Shirka Madaxda Dowlada iyo Kuwa Maamul gobaleedyada oo weli ka Socda Xarunta Madaxtooyada Dalka

madasha

Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Sheegaya in Weli uu soconayo Shirka u Dhexeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedyada,kaasi oo intiisa badan looga hadlayaa xoojinta wada shaqeynta iyo xalinta arrimaha taagan ee labada dhinac, dardar gelinta Nabadgelyada iyo ciribtirka Argagixisada, Horumarinta hanaanka Federaaleynta dalka, Geedi socodka Doorashada hal qof iyo hal cod ah ee 2020 iyo arrimo kale.
Waxaa uuna Shirka Maanta galayaa maalintii sedexaad,iyadoona shirkan ay ka qeybgalayaan Madaxweynaha Puntland Cabd weli Maxamed Cali gaas,Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe,Madaxweynaha Koofur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle geelle Xaaf,Madaxwweynaha Hirshabelle Maxamed cabdi waare iyo Gudoomiyaha Gobalka banaadir.
Shirka maanta waxaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo wasiirka dastuurka xukuumada soomaaliya sida ay sheegayaan wararka aynu madaxtooyada kla heleyno inkasto oo ay suurta gal tahay in ay wax iska badalaan.
Sidoo kale Waxaa lagu wadaa inuu shirka gabagabadiisa laga soo saaraya  warmurtiyeed ay ku heshiiyeen Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa Maamul gobaleedyada ka jira dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.