Wasiir Xoosh oo u sheegay xildhibanada Fowdada ah inuusan Hortagikarin ee dib loogu dhigo

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cabdiraxmaan Xoosh jibriil ayaa maanta ka cudurdaartay in u hortago Xildhibanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya, xili maanta lagu waday in su’aalo la weydiiyo.

Wasiir Xoosh ayaa warqad codis ah u direy Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya taasi uu kaga codsaday in dib loogu dhigo kulanka su’aalaha lagu weydiinayo, isagoo tilmaamay in 11 Agosto uu diyaar u yahay inuu hor-yimaado Baarlamaanka Soomaliya.

Balse qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa ka hor-yimid codsigaas, isla markaana sheegay in aanay macquul aheyn, cosiga ka yimid Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaliya.

Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka oo maanta shir gudoominayay kulanka maanta ayaa sheegay in Xildhibaanada ay ku xiran tahay inay fasax siiyaan iyo in kale, iyadoo laguwado in cod loo qaado warqada fasaxa uu dalbaday Wasiir dastuurka oo ah inuu Baarlamaanka ku hor imaanayo 11 Agosto iyo in kale.

Dhawaan bay ahayd markii Xildhibanada Soomaliya qaarkood ay Ay jabiyeen sharcigii iyo kala dambayntii taasoo ahayd markii ay dhaheen waxaan ka hornimid Xukun maxkamadeed oo ah in dib loo doorto 8 xildhibaan oo kamida Xildhibanada barlamanka soomaliya oo lagu Muransanaa waxana cad in xukun Maxkamadeed aan cidna ka hor imaankarin marka laga reebo maxkamad kale ama racfaan laga qaato.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.