Madaxwaynaha Soomaliya oo Gudi u saaray iska Horimaad ka dhacay Muqdisho”Sawiro”

far

Shir ay isugu yimaadeen Golaha Ammaanka qaranka oo uu guddoominaayey Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa lagaga hadlay Shaqaaqadii dhex martay qaar ka mid ah ciidamada Xoogga Dalka, Madaxwayne Farmaajo ayaa arrinkaan u saaray guddi xaqiiqo raadin ah oo uu madax u yahay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal C/xakiin Daahir Siciid (Saacid).

Taliye Booliska soomaliyeed Jenereal Saacid oo ay wehelinayaan Wasiirka Amniga Dowladda Faderaalka ah, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyeyaasha Ciidamada Nabad-sugidda iyo Milateriga ayaa isla markiiba soo kormeeray labadii goobood ee ay ka dhacday is-rasaasaynta, iyaga oo halkaas warbixinno kaga dhagaysteen saraakiil ka tirsan ciidamada, waxay ku tilmaamay dhacdadaan mid fool xun oo laga xumaado, iyaga oo xaqiijiyey in gacanta lagu hayo dhammaan dadkii ku lug lahaa falkan.
saacid

saacid

saacid

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.