Raysawasaaraha Soomaliya ayaa deeq lacaga Gaarsiiyey dadkii ay dhawaceen diyaradaha Maraykanka ee ay dafireen Maamulka Jubbaland”Video+Sawiro”

shaacir

Dhawaan bay ahayd markii diyaaradaha Dowlada Maraykanka ay duqayn ka geysteen Jubaland hoose kuwaas oo sababay Dhaawac iyo mayd loona qaaday xarunta ku meel gaarka ah ee Jubbland Kismaayo, Maaulka Jubbaland ayaa ka hor istaagay saxaafada inay soo booqdaan ama ka warbixiyaan Maydka iyo dhaawac la keenay isbitaalka Kismaayo.

Raysawasaaraha Soomaliya Xasan Cali khayre ayaa lacag ugu deeqay Bukaano ku jira Isbitalka Rajab Dayib Ordogaan kuwaas oo ku soo wax yeeloobay Duqayn ka dhacday Deegaanka Qabri Shariif oo ka tirsan Gobalka Jubbada Hoose, Waxaana lacagtaan gaarsiiyey Xildhibaan C/laahi Maxamed Aadan Shaacir oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu Danbayntii Xildhibaan C/laahi Maxamed Aadan ayaa sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo Madaxda dowladda oo uu sheegay inay ka war haayaan dadkaan dhibka uu soo gaaray.
shacir

shaacir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.