Maqal iyo Muuqaal:Taliyaha Nabadsugida soomaliya oo Digniin udiray Xildhibanada Cadowga soomaliya Ushaqeeya

Taliye Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe ayaa ka hadlay dagaalad dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Meilateeriga Soomaaliya iyo kuwa Nabad-Sugida Soomaaliya waxaana taliya Nabadsugida sheegay inuu ka xun yahay iska hor imaadkii halkaas ka dhacay baritaan dheeri ahna la sameynayo talaabo sharciya laga qaadi doono kuwii ka masuulka ahaa dhibkaas.

Sidoo kale Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida waxa uu sheegay in Amniga Magaalada Muqdisho haatan uu yahay mid wanaagsan, lakiin waxaa jira dad radinaya Xumanta dowladda islamarkaana Baraha bulsahda ku dacaayadeyna,iyaga oo sheeganaya in ay xasaanad leeyihiin.

“Dad Mas’uuliyiin ah waxaa jira oo xasaanad ku gambada, oo u heysta in xasaanada wax kasta ka dabooleyso, waxaa jira xoriyatul qowlka waxyaabo lagu ogoleyn oo ay ka mid tahay kicinta dadweynaha, qof mas’uul ayaa tahay maalin kasta boqol shey oo wanaag ayaa ka dhacaya dalka oo aadan ka hadleyn, wax yar oo hal maalin dhacana waa buun buuninayaan, ayadoo u muuqato inay ku ahdlayaan afka Cadawga, xasaanadu micnaheeda ma ahan in xornimo taam lagu siinayo, sida adigaba aan u suurta gal u aheyn in aan lagugu xadgudbin ayaa laga rabaa in aad si mas’uuliyad ku jirto aadan dadka ugu xadgubin.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.