Shacabka KIsmaayo Oo farxad Ka Muuqata Furitaankii Garoonka Kubada Cagta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa manta oo Arbaco ah si rasmi ah u furay garoonka kubada Cagta ee Waamo kaas oo dib u dhis heer sare ah lagu sameeyay isla markana la dhigay rooga macmalka ah.

Madaxweynaha oo uu dhinac taagan yahay Madaxweyne ku xigeenka koobad ayaa sidoo kale furay Ciyaartii u horaysay oo lagu ciyaaro garoonka Waamo oo roog uu yaalo taas oo muujinaysa sida dar darta leh ay ku socdaan adeegyada dhinaca Hormarka ee Dowladu ay Kismaayo ka wado.

Ciyaarta ugu horaysay ayaa waxaa ay dhex martay Ciyaartoyda Xulka Kubada Cagta Jubbaland iyo kooxda heerka koobad ee Koman.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in ay muujinayso talaabadan sida ay Dowlada ay uga go’an tahay hormarinta Adeegyada Bulshada waxaana uu hoosta ka xariiqay in garoonka Waamo uu dhawaan marti galinayo Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka.
kis

kis

ksi

kis

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.