Soomaliland oo Sheegatay In Wariye Coldoon U xiran yahay Itoobiya

Wariya C/Maalik Muuse Coldoon oo laba sano oo xabsi ah dhawaan ay ku ridday Maxkamadda Magaalada Haregysa Kadib markii marar badan oo eedeyn usoo jeediyey dowlada Itoobiya oo Xasuuq ugeysatey Shacabka Somaliland taasoo Dowlada Itoobiya aysan jeclaysan, Dowlada Itoobiya ayaa amartay Madaxda Soomaliland in Coldoon Talaabo laga qaado kulan ku dhexmaray Jigjiga Labada dhinac.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland oo wareysi uu siiiyey Tvga Hctv ayaa beeniyay in Coldoon loo xiray booqasho uu Xamar ku tagay iyo in uu jeclaaday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in Coldoon uu ka horyimid qarannimadaa Somaliland iyo in uu waddamada deriska ah ku kicinayay dadkooda oo nabadda ka soo horjeeday.

Waxaa uu intaas ku daray Guddoomiye Aadan in iyada oo Somaliland ilaalineysa heshiiska kala dhaxeeya waddamada deriska ee xagga nabadda ah ay Coldoon xirtay isaga oo ku eedeysan in uu ka horyimid Qarannimada Somaliland iyo Coldoon ku eedeeyay in Waddamada deriska la ah Somaliland uu ku kicinayay dadkooda oo uu abaabul ka dhan ah Waddamada deriska ah waday taas oo uu ula jeedo Dalka Itoobiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.