Madaxweyne soomaliya oo Amray in La Bixiyo Mushaarka Ciidamada Dowladda Soomaliya.

far

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta xafiiska la wareegay ayaa amar ku bixiyay in la bixiyo Mushaaraadka Ciidamada kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaliya, Ciidamada Booliska Soomaliyeed oo ah kuwa ugu shaqada badan ayaa nasiib u yeeshay in ay helaan mushaaraadkooda oo muddo aan la siinin, waxaa la siiyay lacago gaaraya $200 oo dollar-ka Mareykanka ah askari kasta, waxaa loogu tuuray Taleefanadooda.

Qaar kamid Ciidamada Booliska Soomaliyeed oo helay lacagihii ay xaqa u lahaayeen ayaa sheegay in aysan helin wax mushaar ah bilooyinkii dambe, waxayna Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo kaga mahadceliyeen sidii uuu ugu fududeeyay helida mushaarkooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.