Duulimayadda Garoonka Muqdisho ayaa la Hakiyey Maalinta Caleemasaarka Madaxwaynaha Somaliya

War kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Xukuumadda federaalka Soomaliya ayaa lagu sheegay in 22-ka bishaan oo ku beegan arbacada soo socota la hakin doono Duulimayadda Garoonka Diyaaraddaha Magaalada muqdisho.

Sababaha loo hakin doono ayaa lagu sheegay in maalinkaas la qaban doono xafladda caleema-saarka madaxweynaha Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo 8-dii bishaan ku guuleystay xilka madaxweynaha Soomaliya, Caleemo Saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka soo qeyb galaan Madax kala duwan oo Caalamka ka kala socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.