Xoogsatadii Hore Ee Dekeda Muqdisho Oo Banaan Bax Sameeyay ka dhan ah Al-Beyrak

markab

Magaalada Muqdisho Saaka waxaa ka dhacay dibad bax balaaran oo ay dhigayeen Dadka muruq maalatada ah ee ka xoogsan jirtay dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho, Banaanbaxa ayaa ka dhacay Afaafka Hore ee Dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho, waxeyna Saacado kooban taagnaayeen irida laga galo dekeda.

Banaanbaxayaasha waxa ay wateen Boorar uu ku sawiranyahay Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo erayo ka dhan ah Shirkada AlBeyrak Waxa ay baaq ujeeidyeen Madaxweyne Farmaajo iyagoo ka dlabaday inuu shaqada dib ugu celiyo dlakana laga saaro Shirkada oo xooga dhaqaalaha ka soo baxa dekeda qadaata.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.