Ardayda soomaliyeed ee Dalka Turkiga oo Doortey Gudoomiye Cusub “Masawiro”

arday

Waxaa kunool dalka turkiga jaaliyad aad u balaaran oo soomaaliyeed iyo arday wax ka barata jamaacadaha iyo maxadyada kala duwan ee dalkaas.

Turkigu waxa uu soomaaliya kusoojeediyay indhaha caalamka kaasoo yimid waqti loobaahnaa oo ay jirtay macluul ,abaar iyo dibu dhac baahsan,waxa uuna noqday dalka sooceliyay rajada dadka soomaaliyeed.

Waxaa hada wadankaas wax ka barata arday soomaaliyeed oo runti ah kuwa aad isugu xiran kana kala yimid dhamaan gobolada dalka oo dhan kuwaasoo ku mideeysan hal urur oo ay si wada jira usameeysteen.

Ardadaan ayaa dhawaan waxay qabteen kulan balaaran oo ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mida hawlwadeenada safaarada,qunsuliyada iyo ganacsato soomaaliyeed.

Dhawr musharax oo u tartamayay qabashada xilkaas ayaa waxaa lagalay codbixin ay codkooda ku dhiibanayeen xumbnaha ardayda soomaaliyeed ee wax ka barata dalkaas.

Waxayna ardaydu udoorteen in uu noqdo gudoomiyaha guud ee Ururka Midowga Ardayda Soomaliyeed ee Turkiga ee loosoo gaabiyo UMASET Mukhtaar Macalim Abdullahi Aw-Ali oo ka mid ah aradayda ugu fir fircoon iyagoona u arkaayay inuu yahay nin kuhaboon inuu xilkaas qabto.

Hadaba waxaa warqabadka allsaaxo.com soogaaraya hambalyada iyo salaamaha ay soo dirayaan ardayda kunool dalkaas.
ardatturki (1)

ardatturki (2)

ardatturki (3)

ardatturki (4)

ardatturki (5)

ardatturki (6)

ardatturki (7)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.