Maqaal:Xassan shiikhoow Naftaada ka waran tan dadka kale Iska daa. W/QJimcaale

jim

Waa humaaga maskaxdayda ka soo maaxday ee aan cinwaanka kore siyey ,aan ku bilaabo maahmaahda caanka ah ee faca weyn ee oran neysa (MAROODI TAKARTA SAARAN MA ARKO EE WUXUU UJEEDAA TAN MIDKA KALE SAARAN).

Waxaan kale oo dhihi lahaa Xassan Sh.Maxamuudoow ogow in ayyan ahayn arintu sida aad adigu isku taqaan ee xaajo waxay u dhamaaneysaa sida dadku kuu yaqaaniin.

Waxaa xaqiiqa in kuwa bada muranka geliyey ayyan meelana ku lahayn istaahilina in ay Soomaaliya wax ka noqdaan,laakiin badda Soomaaliya iyo dhulka ma kala duwan yihiin? Ma iska warqabtaa in aad ku kacday arimahaan?

1-Ma u sajuuday meydad gaalo shacbigaagii xasuuqday?

2-Ma ka tiri Jigjiga iyo Addis dhulka Soomaali galbeed dhul Soomaaliyeed maaha?

3-Barnaamijdka dood wadaag ma lagaa weydiyey khadhiyada Soomaali Galbeed waxa aad uga tanaasushay safar kaagii Jigjiga iyo Adhis?

4-Ma ku jawaabtay (waxaan tusaayey shacbiga Soomaaliyeed in siyaasadahii waqtiga dheer soo jirey aan ka leexan karno oo aan dhabarka u jeedin karno, taas oo micneheedu yahay in qaydiyada Soomaaliweyn aad ka leexatay,halgankii gobanimodoonka ee waqtiga dheer soo jiray ay ahayd xaqdaro looga gardarnaa Itoobiya?

5-Maleys dhihi karaa musharaxiinta qaarkood ku dhawaaqay in ay soo celin doonaan hantidii qaranka ee la boobay afartii sano ee aad xilka haysay, haday guuleeystaan,in aad adkeysan weyday oo weerarka afkaa oo aad musharaxiinta qaar ku qaaday ay kaa keentay?

Isku soo wada duud awoodii shacbiga Soomaaliyeed,masiirkoodii iyo jiritaanka

qaranka waxay gacanta ugu jirtaa labada gole ee golaha shacbiga iyo aqal;ka sare,waxaan shaki lahayn rajada shacbiga Soomaaliyaad 95% in ay tahay in ay

arkaan isbedel,fadlan shacbiga ha gelinina quus qaran ee waji cusub keena/wabilaahi towfiiq

W/Q Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.