Dhageyso:Raysawasaaraha soomaliya oo sheegey Dowladaha Dariska inay Fara-galin Ku Haya Doorashada

cumar

Raisulwasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo Shir Jaraaid ku qabtay Magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaliya ayaa sheegay in dowladaha dariska, sida Ethopia,Kenya, iyo kuwa kale ay faragalinta cad ku hayaan doorashada Madaxweynaha ee 8-da bishaan dalka ka dhacaysa.

Waxaan soo jeedinayaa in Baarlamaanka Soomaaliya oo Mas’uul ka ah Shacabka Soomaaliyeed in aysan Ogolaan Faragalinta Qaawan ee lagu hayo Doorashada,Soomaaliya waa dal Madax Banaan iyada ayaana Xaq u leh in ay aayahooda ka Tashtaan”ayuu yiri Sharmaake.

Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke Raisulwasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa tilmaamay in haatan ay sii xoogaysanayaan dowladaha faragalinta ku haya wadanka Soomaliya, iyo tan doorashada madaxweynaha Cusub ee Soomaliya islamarkaana ay doonaya in gabi-ahaanba ay saameyn weyn ku yeeshataaan doorashada Madaxweynaha ee dalka ka dhacaysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.