SAWIRRO: Madaxweynaha Puntland Oo Soo Afmeeray Safarkiisii Gobolka Bari

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkar ayaa soo gebagebeeyey safarkiisii uu ugu kuur gelayey wax ka ogaansha  xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka ku soo hayamay degaanada gobolada Karkaar Iyo Bari iyo sidoo kale dadka degaanka ku dhaqan.

25 January 2017 waxa uu Madaxweynaha Dawladda Puntland uu daahfuray gargaar lagu caawinayey xoola dhaqatada deegaanada gobolada Bari iyo Karkaar iyo dadkii Soomaaliyeed ee ku soo hayaamay goboladaasi ku waas oo lagaarsiiyey 8,700 oo qoys Cunto, Biyo iyo Hu’  waxaana uu gargaar kaasi ku yimi halku dhigii madaxweynaha Dawlada Puntland oo hirgalay ‘PUNTLAND HA ISKU TASHATO” micneheeduna yahay in gargaarkan ay iska kaashadeen Dawladda Puntland iyo shacabkeeda oo is garabsanaya

Safarkii uu ku marayey Madxweynaha Dawladda Puntland degaanada fogfog ee gobolada bari iyo karkaar ayaa waxa uu kula kulmay reer guura ka soo haymaay waqooyiga, galbeedka iyo koonfurta Soomaliya iyo sidoo kale reer guuragii degaanka  kuwaas oo madaxweynaha uga warbixiyey xaladooda nololeed ee ay ku sugan yihiin, waxaana ay sheegeen reer guuraga ka soo hayaamay koonfurta, waqooyiga iyo galbeedka Soomaliya in dadka degaanadaasi si fiican u soo dhoweyeen isla markaana ay si hagrasho la’aan ah oo Soomaalinimo ku jirto ay ku marti qadeen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa si daasi si lamida kulamo iyo is xog waraysi la yeeshay degmooyinka iyo tuulooyinka ku teedasan gobolada Bari iyo Karkaar, waxayna madaxweynaha u soo gudbiyeen baahiyaha iyo xaalada degaanadooda ka jirta.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa kormeeray xarumaha Dawladda, meelaha taarikhiga ah ee degmooyinka iyo tuulooyinka goboladaasi, isla markaana waxa uu madaxweynuhu dhagax dhig iyo xarig ka jarid ku sameeyey goobo kamida degaanada uu ku marayey madaxweynuhu safarkiisa.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo gaarey degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar 29 January 2017 kuna soo gebagebeeyey safarkiisii daaranaa wax ka ogaansha xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka degaanadaasi, islamar ahaantaana waxa uu kulamo kala duwan la qaatay bulshada degmada Qardho isagoona uga sii gudbi doona caasimada Dawladda Puntland ee Garoowe.

16299409_1880552468888941_7043094675631694846_n 16265351_1878684742409047_6770818134229242067_n 16299290_1879875585623296_245009383081846454_n

–DHAMMAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELIN, HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.