XOG BBC-da oo Diiday in ay Wareysi ka qaado Shakhsiyaad Jawaab ka bixin lahaa Gafkii uu Gudoomiye Xayd u geystay Gabdho Soomaaliyeed.

bbc

BBC Somali oo ah hay’ad warbaahineed oo ay leedahay Dowladda Ingiriiska ayaa dadka badankii ay ujeediyaan dhaliilo la xiriira dhinaca shaqadooda, wallow lagayaabo qeybta soomaalida lahadasho in ay ciladaas dhankooda tahay, oo aysan laqabin laamaha kale ee Hay’adda BBC oo ah hay’ad warbaahineed oo luuqado iyo umado badan la hadasho.

Dhawaan waxay BBC Somali Baahisay wareysi ay la yeesheen Gudoomiyaha Degmada Baledxaawo ee Gobolka Gedo Maxamuud Xayd Cusmaan, oo aflagaado iyo meel ka dhac uu u geystay Bulshada ree Gedo ka baahiyay idaacadaas, Xilli wariyihii Wareysiga ka qaadayay uusan weydiin Cadeymaha uu u haayo gafka intaas la eg oo ah in Gabdho badan oo Soomaaliyeed ay Wecelo ku dhaleen Degmadaasi.

Gafka intaas la ee  aysan BBC du weydiin shakhsiga sida ulakaca ah u geystey Cadeymaha uu hayo, ayaa qaar kamid ah aqoonyahanka buslahdaas loo gafay ay xiriir lasameeyeen BBC si ay bal jawaab uga bixiyaan hadalka Gudoomiye Xayd Balse Maxaa dhacay??.

Aan soo xiganno mid kamid ah Shakhsiyaadka la xiriiray BBC qeybaheeda London iyo Nairobi waa Rugcadaa Saxaafadeed, Aqoonyahan Cabdi Maxamed Warsame oo ku magacdeer “ Deeq Faandhe” Mr Deeq ayaa ka codsaday BBBC da in wareysi la xiriira Jawaab celintooda BBCda ay layeelato, balse waa ay diideen in ay wareysi ka qaadaan.

Sidoo kale dhinacyo kale oo isugu jira Syaasiyiin iyo Waxgarad ayaa isku dayay in jawaab kabixiyaan Gafkii lagula kacay balse waa laga diiday in wareysi lal yeesho.

Hadaba Bulshada ayaa isweydiineysa BBC du yey u shaqeysaa hadiiba bulshadeey la hadleysay diiday in wareysiyo iyo codad aan dhib ku jirin ay dhiiban lahaayeen laga diiday.

Waa su’aal Jawaab Celinteeda loo baahanyahay Hay’adda BBC Qeybteeda Guud ama Dibadda Lahadasha ” World Service” Madama Laantii Afsomaliga ay iska dhaga tirtiray Cabshada Dadweynaha ay lahadasho.

Tifaftiraha Gedo Times.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.