Daawo Sawirada: Beesha Reer Amiir Nuur oo Qaadacday Maamulka Cusub ee G/harey Lo Magacabay Baaqna u dirtay Madaxda jubland iyo Dowlada Faderaalka .

Kulan Ay Magaalada Muqdisho Ku yesheen Beesha Reer Amiir nuur oo ka mid ah Belaha Marexaan ee Dego Gobalada Jubland ayaa waxa ay kaga hadleen Maamulka cusub ee dhawaan lo Magacaabay Degmada Garbo harey .

Kulanka oo aha mid ay u dhan yihiin qeybaha kala duwan ee besha ee ku sugan Magaalada Muqdisho hadii ay ahaan lahayeen Dhalin yaro , Siyaasiyin ,Aqoon yahano , Haween iyo Odayaal Dhaqameed ayaa waxa ay ku cadeyeen inay Qadacsan yihiin Maamulka cusub ee dhawaan Madaxaweyne Ku xigeenka Jubaland uu u magacaabay degmada G, harey inuu noqday mid lagu duudsiyay Xaqii aya ku lahayeen Degmadaasi oo ay yihiin dad xaq u lahaa ka mid noqoshada Maamulka  degmada,

Waxaa ay ku Cadeyay Bulshadii goobta isugu timid in Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan uu Noqday mid ku tuntay Xaqii beesha ay lahayd Madaxda Maamulka Jubland oo uu ugu Horeyo Madaxweynaha Dowlad Gobaledka Jublanda Axmed Madoobe iyo Wasarada Arimaha Gudaha Maamulka Ayay ugu Baqeen inay dib u eegis ku Samayaan Habka Awood qeysiga Beelaha oo Beesha Reer Amiir nuur ay Ka la, dahay Maamulka Jubland Xaqii ay ku Lahayeen Jubland ilaa iyo Markii La dhisay Maamulkaasi.

Dowlada Faderaalka Madaxda ugu Sareyso Ayaa sido kale logu baaqay inay Cadeyaan Xaqii ay Beesha ku Lahayd Maqaamka Dowlada Faderaalka ah oo aysan Helin Hadii ay Ahaan lahayd Labada Aqal ee Dowlada ay Ka kooban tahay Waqigaaan  Iyago Ka digay Xubanha Dheeriga ah ee Aqalka Sare Lagu Daray inay Dad Gaar ah La siiyo iyado Aysan Wax Xaquuuq ah helin Beesha Reer Amiir Nuur ,

Uga Danbeyntii Ayaa besha waxaa ay isku Raacaday inay Ka firsan doonto Xariirka ay la leedahay Maamulka Jubland Hadii uu Wax ka qaban waayo Cabashoodada.

Kulanka ayaa ku Soo Dhamaaday is af garad iyo in Gudiyo Beesha ay u Magacaabi doonto oo ay si hagar la, aan ah u raadin donan Xaquuqda ka maqan Beesha Reer Amiir oo ka mid ah belaha ugu Awooda Badan Gobalka Gedo.

Halkaan Ka Daawo sawirada Beesha reer Amiir Nuur .

fwdpictures 15857158_1851685228450585_885375640_o 15870555_1851685115117263_2024476100_n 15870644_1851685181783923_1196780872_n 15879222_1851684938450614_517122582_n 15879235_1851684921783949_364098083_n 15879295_1851685061783935_225285420_n 15902811_1851685281783913_144080024_o 15902912_1851685191783922_648620153_o 15908944_1851685205117254_1082346141_o 15909719_1851685131783928_1868985012_n 15909806_1851685015117273_1651308543_n 15910130_1851685141783927_1682966371_n 15910217_1851684955117279_323913977_n

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.