Qaar ka mid ah Belaha Dego Gobalka Gedo oo Ka Cabanayo Madaxwenyne Ku Xigenka Jubaland

Iyadoo dhawaan Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubaland uu soo magacaabey Maamul ay yeelanayaan degmooyinka gobolka Gedo

Kaas oo buuq iyo khilaaf xoogan soo kala dhexgaliyey beelaha walaal aha ah ee ku nool Degmooyinka gobolka gedo

Ayaa waxaa ilaa iyo haatan isa soo taraayo khilaafaadkaasi iyo cabashooyinka ka dash magacaabista uu dhawaan gobolka gedo kasameeyey Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubaland Maxamuud Sayid aadan

Beesha reer Ugaas Sharmaake waa mid ka mid ah beelaha Sade waxana ay si Weyn ooga soo horjeedaa magacaabista uu dhawaan ka sameeyey degmooyinka gobolka gedo Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubaland Maxamuud Sayid aadan Waxana ay sheegeen in uusan magacaabistaas ku saleynin qaabka awood qeybsiga beelaha dago gobolka gedo Waxaana nabadoono siyaasiyiin iyo aqoonyahano kasoo jeedo beeshaan ay warqad cabasho ah usoo direen madaxweynaha Jubaland axmed maxamed islaam iyo sidoo kale wasiirada arimaha Gudaha iyo amniga Jubaland taas oo ay kaga cabanayaan in ay magacaabistaas ka waayeen qoondadii awood qeybsiga ee ay ku lahaayeen gobolka gedo heer gobol iyo heer degmo

HOOS KA AQRISO WARQADA KASOO BAXDEY BEESHA REER UGAAS SHARMAAKE

KU: Madaxweynaha Jubaland Ku: Wasaarada Arimaha Gudaha ee Jubaland Ku: Wasiirka Amniga ee Jubaland Og: Gudoomiyaha gobalka Gedo ee Jubaland og: Taliyaha guutada 9aad ee dawlada federalka gobalka Gedo

UJEEDO: CABASHO

Markay Beesha Reer ugaas sharmaake aragtay digreetooyinka maamul heer gobal iyo degmo oo uu soo magacaabay madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubaland (Maxamuud sayid Aadan)kuwaasoo aan ku salaysnayn habka awood qaybsi ee deegaanka taasoo carqaladaynayso hormarka iyo amniga gobalka iyo deegaanada ay ku wada nool yihiin dadka walaalaha ah iyo israaca Jubaland sidaa daraaded Beesha Reer Ugaas Sharmaake ee ku nool dal iyo dibadba waxay si cad u qaadaceen digreetooyinka uu soo magacaabay madaxweyne ku xigeenka 1aad ee jubaland. Sidaa si la mid ah Beeshu waxay ka digaysaa in aan loo isticmaalin dawladnimada Jubaland danaha gaarka ah iyo iska horkeenida beelaha walaalaha ah ee wada nool waxayna wax garadka iyo Aqoonyahanada beesha Ka codsanayaan mas`uuliyiinta ay ku socoto waeqadaan inay si dagdag ah wax ooga qabtaan dhibaatada lagu samaynayo shacabka Jubaland

NABADOONADA IYO WAX GARADKA BEESHA REER UGAAS SHARMAAKE Farax Hire Guhaad ___________Nabadoon Xuseen Cali Biixi _____________Nabadoon Sheekh Xasan Farax _________Nabadoon Maxamuud xirsi Farax ________Nabadoon Sheekh Xasan Jamac __________Nabadoon Axmed Ciise Cali _________Nabadoon Maxamed Gaaciye Shide _____Nabadoon Cali Yuusuf Tuurte __________Nabadoon Muxumed Maxamed Cali ____Nabadoon Bishaar Nuur Cismaan _______Nabadoon Cabdulaahi Sheekh Axmed Siraad Jubaland C/raxman Maxamed Cabdulaahi Maxamed Xirsi Dhudi Maxamed Cabdi Colaad C/waxid Farax Muuse

Wabilaahi Towfooq

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.