DEGDEG: Ugaas Taakooy oo loogu Hanjabay in la xiri doono haduusan u hogaansamin Rabitaanka Galmudug. “Akhriso”

ugaas

Waxaa Maanta hanjabaad soo gaartay Ugaaska Beesha Sade ee Galgaduud Ugaas Axmed Barre Cali Taakooy taasi oo kaga timid Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Ganeey.

Hanjabaada ayaa la xiriirtay in waqtiga doorashada ay dhaceyso la xiri doono Ugaaska sida horayba Cadaado uga dhacday oo loo xiiray Ugaaskii Beesha Muransade oo markii ay doorashada dhacday kadib la siidayay.

Cadaado ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa caado kanoqotay in la xiro hogaanada dhaqanka ee beelaha Soomaaliyeed ee ka biya diida rabitaanka Damjadiid iyo Galmudug kuna shaqeeya afkaartooda xorta ah.

Ugaas Axmed Bare Cali Taakooy ayaa cadeeyey Mowqifkiisa ku aadan in looga dambeeyo hanaanka awood qeybsi ee Beesha uu ugaaska u yahay, waxaana Maamulka Galmudug iyo Carabeey ay wadaan qorshe Jifada uu isagu ka dhashay loogu afduubaayo kursi ay leedahay Jifada Bah-darandoole, kaasi oo uu doonaayo inuu ku marooqsado awooda Maamulka Galmudug iyo masuuliyada uu maamulkaasi kahayo.

Ugaas Taakooy oo aan isku daynay inaan lasameyno xiriir ku aadan bal inuu wax kayiraahdo hanjabaadaha lasheegay iney soo gaareen ayeysan inoo suuragalin inaan helno, marka ugu horeyso ee aan helnane akhristyaasheena waa lawadaagi doonaa Insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.