Degdeg: Cabdulaahi Goodax Barre oo markale kamid noqday Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorasho Maanta ka dhacday magaalada Jowhar ee Gobolka SHabeelaha Dhexe ayaa waxaa dadka ku guuleystay Kamid ah Cabdulaahi Goodax Barre oo markale noqday Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Goodax Bari ayaa ah siyaasi is gadgadin Badan isagoo meesha uu ku qoysado aan ku qalajisan karin, waxaana waayadii dambe uu kamid ahaa Mucaaradka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdulaahi Goodax Barre ayaa Taliye Kuxigeenka Booliiska Soomaaliyeed korneyl Mukhtaar kaga adkaaday 38 cod halka uu mukhtaar helay 13 Cod oo kaliya.

Wuxuu kamid noqonaya tirada yar ee Xasan Sheekh Mucaaradka ku ah ee ku soo laabatay Baalamaanka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.