XOG: Yaa loo saadaalinayaa in ay Noqdaan Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Kadib Maxamuud Sayid Aadan?.

Iyadoo Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan loo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka ee Maamulkaasi, ayaa waxaa soo baxaya shakhsiyaad u xusul duubaya Qabashada Xilkaas, kadib xilka qaadista Maxamuud Sayid Aadan.

Laba Xubnood ayaa aad loogu saadaalinayaa in ay Badalaan Maxamuud Sayid Aadan, kuwaasi oo kala ah Wasiirka Cadaalada, Awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Jubbaland Mudane Aadan Ibrahim Aw-xirsi iyo Wasiirka Amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Xasan Indhakori.

Labadani shakhsi ayaa labaduba aad uga agdhaw Axmed madoobe Hogaamiyaha Jubbaland kuwaas oo lagu wado in midkood xilkaasi loo magacaabo.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in Bartamaha Bishani uu Axmed Madoobe Sameyn Doono Isku shaandheyn Galaafan doonta shakhsiyaad ay kamid yihiin Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed yusuuf Aw-libaax iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maxamed Nuur Buule Dhaay kuwaas oo lagu eedeeyey in aysan xitaa wax dhaqdhaqaaq ah muujin tan iyo markii xilalkaas loo magacaabay.

Siyaasadda Jubbaland ee waayadaan dhaqdhaqaaqyada laga dareemaayo wixii kusoo kordha kala soco Gedo Times.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.