XOG: Mooshin ka dhan ah Maxamuud Sayid Aadan oo loo Gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka Jubbaland.

sayid

Moohin ka dhan ah Madaxweyne Kxuigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan ayaa loo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka ee Maamulkaasi Jubba.

Mooshinka oo ay saxiixeen in kabadan afartan Mudane oo Baarlamaanka Jubbaland ka tirsan Ayaa loo gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed.

Ujeedada Mooshinka ayaa ah Xilkaqaadis ay doonayaan in Mudanayaasha lagu sameeyo Madaxweyne Kuxigeenka Maamulkaasi Maxamuud Sayid aadan oo ay sheegeen in uusan Waxba qaban tan iyo markii la magacaabay Bishii Shanaad ee sanadkaan sii dhamaanaya.

Sayidka ayaa la sheegay in uu ka war helay Guuxa Magaalada kujira ee ah in Mooshin isaga ka dhan ah loo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka ee Mamaulka Jubbaland, walow aysan Muuqan wax dhaqdhaqaaqyo ah oo uu dhiniciisa Bilaabay.

Axmed Madoobe ayaa la sheegayaa in uu Daba ka riixaayo Mooshinkani, taasi oo uu uga goleeyahay in uu xilka kaga tuuro Maxamuud sayid aadan oo noqon waayay sidii uu karabay, uuna doorbidaayo in uusan isaga xilka kaqaadine baarlamaanka uu u soo maro.

Sabtida iyo wixii loo gaaro ayaa la filayaa in Gudoonka uu shaaciyo mooshinkani ka dhanka ah Maxamuud Sayid iyo waqtiga Codka Kalsoonida loo qaadi doono intuba.

Wixii kusoo kordha kala soco Gedo Times Insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.