TOP News: Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug oo dhibaatooyin badan ku haya Kuraasta Beesha Sade ee Cadaado taala.

Xilli uu sii xoogeysanaayo Musuq-maasuqa iyo wax isdba marinta laga soo warinaayo Magaalaa Cadaado ee Maamulka Galmudug, ayaa waxaa beelaha sida ba’an Faragalinta loogu hayo waxaa kamid ah Beesha Sade,

Kuraasta Beesha Sade ee Cadaado taalo oo ahaa afar Xildhibaan ayaa ilaa iyo hadda lagu kala baxay hal kursi oo kaliya, halka sadexda kursi oo kale ay maamulka Galmudug doonayaan ineey ku qoraan shakhsiyaad ay iyagu wataan, iyadoo lasoo celiyey guud ahaan Ergooyinkii uu xareeyey Ugaaska Beesha Sade ee Galgaduud Ugaas Axmed Barre Cali Taakooy.

Ergooyinkii uu gudbiyay Ugaaska ayaa la laalay iyadoo la qortay ergooyin been abuur ah oo la doonaayo in lagu soo saaro shakhsiyaad gooni ah oo ay wataan damjadiid iyo Galmudug oo u adeegeyso.

Kursiga ugu daran uguna adag ee ay galmudug musuqmaasuqeen ayaa ah kursiga Jifada Bah-daraandoole, kaasi oo larabo in lagu qoro Gabar ay wataan Ururka Damjadiid oo madaxwayne kuxigeenka isxigaan, waxaana kursigaas inuu qaso loo xilsaaray madaxweyne Kuxigeenka Maamulkaasi Maxamed Xaash Ganeey, oo Daaqada kasaaray Ergadii uu soo gudbiyay Ugaas Taakooy, si aan katashi laheyn markii horaba beeshaas kursigooda qof dumar ah loogu qoondeeyey.

Siyaasiyiin waaweyn oo kasoo jeeda Jifadaas doonayayne in ay xilkaas qabtaan ayaa hada ku hungoobay, Waxaana hada la filayaa in kursigaas lagu qoro maalmaha soosocda gabar uu wato Maxamed Xaashi Ganeey.

Arinta Fadeexadda kale ah ayaa ah in Kursigaas uu larabo jifada hoose ee uu isaga ka dhashay, taasi oo aan xubin baarlamaan ku laheyn Baarlamaanka Soomaaliya, balse awooda Galmudug uu rabo inuu kusoo saaro, isagoo qorsheeyey in si bareer ah uu u boobo beeshii kursigaas laheyd lix iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay, waxaana xusid mudan in aysan jirin jifo sidaas ookale kursigooda wali loo boobay oo gabi ahaanbo larabo in la hareer marsho.

Warbixino taxane ah oo ay Gedo Times isku soo duba riday lasoco kuwaas oo la xariira dhibaatooyinka uu Maxamed Xaashi Ganeey Kawado Cadaado ee uu ku hayo Beesha Sade.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.