Akhriso Ugaaska Beesha Sade : ” Beesha Ree Garaad waa in ay Helaan Kursiga ay ku leeyihiin Aqalka Sare”

Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxame Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi ayaa qoraal rasmi ah oo uu soo saaray ku sheegay in Beesha Ree Garaad oo kamid ah Jifooyinka Beelaha Sade ay xaq uleeyihiin in ay kamid noqdaa Xubnaha Aqalka sare u matalaya Beesha Sade.

Ugaaska Ayaa qoraalkiisa ku cadeeyey i lagama maarmaan ay tahay In Jifada Ree Garaad ay helaan mid kamid ah Kuraasta Aqalka sare ay kaheshay Beesha Sade.

Ugaaaska Qoraalka uu ku saxiixanyahay waxaa sidoo kale saxiixay Sadexda Oday dhaqameed ee Ugaaska ka hoos shaqeeya Qeybna ka ah Saxiixayaasha 135ta oday ee Soomaalida ah ee Soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

Hoos ka AKhriso Bayaanka uu Ugaaska Soo Saaray.

ugaas

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.