In aan Soomaaliya dawlad ka jirin sow ma cadda farahana ka Siibaxayso By Jimcaale

jim

Waxaan la wada soconaa intii goobjooga ahayd wixii ka haray in markii horaba qaran kayagii awooda iyo sharfta badnaa hubka loo adeegsaday ahaa qabyaalad nala dhansiiyey oo aan la wada sarqaanay,arintaas oo dhammaanteen aan uga qaybqaadanay si ujeeda la,aan ah oo qof kaliya oo waxa uu samaynaayey ujeedada uu ka lahaa garanaayey uusan jirin, isweydiyeyna mardanbe,jawaabna u waayey wixii dhacay.

Shacbigii islaynaayey ee kala irdhoobay baa mar qura la arkay ayaga oo si lamafilaan ah isu dhexmaraaya,wadajooga oo gancsigii goboladu caadi ku soo laabteen,labadii is aqoon jirayna marka ay is arkaan xabadka isku qaataan,xataa dagaaloogayaashii baa sidaas ka dhacday,markii la sheekaystay wixii dhacay layntii,iyo dhacii qof kasta waa yaxyaxay oo ceeb iyo xishood buu dareemay.
Waxaa xigay in la wada xasuustay wanaagii dawladnimada,laguna hadaaqay in laysdaba qabto oo qarankii Soomaaliya mar kale cagaha loo taago,laakiin xeesha iyo tabtii cadawgii dalkaan burburiyey oo aan dantiisii gaarin waabedelay oo seeftii qabyaalada oo afbeeshay in uu soofeeyo buu talo ku gaaray`,waayo albaab kale oo laga waxyeelayn karo Soomaalida ,ma furna cadawga deriska iyo kuwii soo gumeystay Soomaalida way yaqaanaan dhaqanka ,halka dhibaatada salka ku hayso dhaqanka waxwadalahaansha oo aanaan aqoon wax lawada difaaco sida dal iyo calan nooguma jirto dhaqanka,waxaan nahay xoolaleey ninba intiisa buu raacdaa oo ilaashadaa,markii odayga reerku dhintana caruurtu way qaybsadaan,waana ku kala tagaan wax danbe iskuguma yimaadaan,qiyaanada danbe ee cadawgu halkaas bay salka ku haysaa.

Waxaa naloo dhaxlay qarankii Soomaaliyeed ee aabihiis dhintay 1991kii,waliba ayada oo aanaan raali ka ahayn ,oo aanaan ka tashan,oo sida dhaxalk sharciga Islaamka la waafajin,waxna nala ka weydiin,markii u horeysay oo aan arkay nidaam dawliya oo aan afti loo qaadin shacbi lagu qasbo oo loo sameeyo,taas oo looga faa,idestay in lagu soo nooleeyo qabyaaladii sarqaankeedu naga baxay ,waana dhacday oo reer walba cad baa loo jaray oo la yiri adaa leh,waxay laba kaclayndoontaa markii la yiraahdo xuduudo baa loo samaynayaa.

Bal eega aan idin xasuusiyo in aan wax iskugu kaaya jirin,xasuuqyada ka dhacay dalk,sida Sh/Hoose,J/Hoose,Gedo,Bay iyo Bakool,Togdheer iyo Mudug ,yaa arkay oo maqlay meesha wax ka dheceen mahee cid kale oo ka danqaneysa?Koley annigu ma arag,yaase arkay dawlad ka hadlaysa oo ka danqaneysa xasuuqa dadkeeda.Sow annagu raali kuma wadanihin in aan wada noqono loo ma ooyaan.
Aan soo gunaanadee dulucda maqaalkaan waa in aan idin dareensiiyo haadaanta Xassan Shiikh Maxamuud iyo federaal idin ku rideen,kuwa hadda soo socda oo xildoonka ninkii arintaas aaminsan oo haddaba isku sharaxaaya waa adeegayaasha cadawga oo dantiisu tahay in uu jeebka wax ku rito dalkana cadaw ku wareejiyo sida qorshaysan,Soomaaliyeee federaal iyo nin aaminsan haddaydnaan kacdoon ka samayn dalku waa idin daayey.
Waxa qorey C/laahi Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.