Masuuliyiinta maamulka gobalka Gobalka Gedo oo Baaq Nabdeed Udiray Walalaha Caabudwaaq

Masuuliyiinta maamulka gobalka gobalka gedo ee dowlad gobaleedka jubaland ayaa markii ugu horaysay waxaa ay baaq caalami ah u jeedeyen dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya nawaaxiga magaalada cabuudwaaq ee gobalka galgaduud,

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobalka gedo C/raxmaan C/laahi Aadan[bakaal kooke] oo shir jira,id ku qabtay magalada muqdisho ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dilalka ku salaysan aanooyinka qabiil ee ka socda dagmada cabuudwaaq,gudoomiye ku xigeenka ayaa odayaasha iyo siyaasiinta ugu baaqay in ay dhax dhexaadin ka dhex sameeyaan dadka wax kala tabanaya ,ilsmarkaana loo kala qaado waxyaabaha ay kala tabanayaan .

Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa ku bilaabay…
[Waxaan codsanaynaa in la joojiyo dhiiga xaaranta ah ee la daadinaya ,colaad wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho ,waxaan leenahay ree cabudwaaq waa in aad joojisaan dilalka dhexdiina ah ,waayo aaqiro iyo aduunba midna faa,iido inma laha. waxaan idin kugu baaqaynaa in aad ka tanasushaan falalkaasi xun xun.]
baaqa maamulka gobalka gedo ayaa ku soo beegmaya xilli sidoo kale ay soo baxayaan baaqyo kale oo lagu dalbanaya in lagu joojiyo colaada ka taagan Cabudwaaq.

DHAWAAN ayay ahayd markii dilal iyo dagaalo ku salaysan aanooyin qabiil ay ka dhaceen magalada cabudwaaq ee gobalka galgaduud ee bartamaha somaliya waxaana hada lagu jiraa sidii loo soo afjari lahaa dhibkaas halkaas kadhacay.

KARAR RUKOW-GEDO.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.