Alshabab oo dhimasho iyo dhaawac ka geystey Mandera Kenya

mandera

Al Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaaday degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya halkaasoo la sheegay on ay dad ku dileen, Saraakiisha Amniga Mandheera ayaa xaqiijiyay in Al Shabaab ay weerarkaasi ku dileen 6 qof sidoo kalana ay halkaasi ku dhaawaceen hal ruux oo xaaladdiisa ay liidato iyadoo sidoo kale laga badbaadiyay 26 ruux.

Booliiska Magaalada Mandera ayaa xusay in Al Shabaab ay weerarkaasi oo ah mid gaadmo ah u adeegsadeen Baasuukayaal iyo Banbaanooyin balse markii dambe ay halkaasi soo gaareen Ciidamada Amniga oo ka hortagay weerarkaasi, Guddoomiyaha Mandera Cali Roba ayaa si kulul u cambaareeyay duulaanka Xarakada Al Shabaab ay ku soo qaadeen Magaaladaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.