XOG: Maxamuud Sayid oo ku Guuldareystay Waxkabadalka Maamulka Ceelwaaq,Dibne ugu Laabtay Baledxaawo.

Iyadoo madaxweyne Kuxigeenka.Jubbaland Maxamuud Sayid aadan uu arimo la.xiriira dhimaha maamulada degmooyinka qaarkood kawaday gobolka gedo, ayaa waxaa isbadal lagu sameeyo dhinaca maamulka ka biya diiday bulshada ree.Ceelwaaq.

Ree Ceelwaaq oo isugu jira Bulsho rayid.iyo hogaamiyayaashooda ayaa wafdiga maxamuud sayid ku,wargaliyay in aysan colaad ka hurin degmada Ceelwaaq shacabka iyo hogaankoodane ay is abakoonyihiin.

Waxaase Fulinta go’aankiisa ku adkeystay Maxamuud Sayid aadan.oo ku dooday Maamulada Baledxaawo, Doolow iyo Luuq ganaane in labadalay ayna muhiim tahay,in dhinaca ceelwaaqne isbadal lagu sameeyo walow go,aankiisa uusan fulin.

Xaaladda farataagtaaga ceelwaaq ayaa meel halis ah gaartay iyadoo lagu sigtay in dagaal uu halkaasi,ka.qarxo, Nasiib wanaagse Maxamuud Sayid iyo wafdigii lasocday ayaa go,aansaday in ay ceelwaaq isaga huleelaan dibna ugu laabtaan Waqooyiga Gobolka Gedo oo ay markii horaba kasoo,kictimeen.

Ceelwaaq ayaa waxaa kajira maamul iyo shacab,is ogol kuwaas oo,masuuliyiintani,ay damceen in ay kala wareejiyeen bulsho iyo maamulkooda ay.doorteen.

Maxamuud Sayid aadan.iyo wafdigiisa ayaa Maanta gaaray.degmada.baladxaawo iyagoo soo dhexmaray,dhinaca.kenya.oo ay baledxaawo,kasoo,galeen dhinaca.degmada Mandheera.

Wafdiga Maxamuud sayid.ayaa qorsheynaya in ay,Kismaayo,dib.ugu laabtaan Maalmaha soo aadan hadii,eebe idmo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.