DAAWO: Hay’adda SADO oo Mashaariic Biya galin ah Ka Wado Magaalada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo.

Magaalada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo waxaa ka socda Biyo galin ay Halkaasi ka wado Hay’adda Maxaliga ah ee SADO, taas oo mudooyinkii dambe barnaamijkan KawadaY Xarun Goboleedka Gedo.

Xaafadda Busul oo kamid ah Sadexda Xaafadood ee ay Degmadaasi ka koobantahay ayey Hay’adda SADO kawadaa Biyagalintani, taasi oo looga goleeyahay in Biyo Nadiif ah lagu gaarsiiyo Xaafadaha Degmada.

Sarkaal Ka tirsan Hay’adda SADO oo Warfidiyeenka Kula hadlay Goobaha Tuubooyinkan Biya galinta ah laga waday ayaa Sheegay in Qorshahoodu yahay sidii Degmada Garbaharay ay uga haqabtiri lahaayeen Baahiyaha Biyo, si looga Maarmo Biyaha Ceelka degmada laga raadiyo.

Sarkaalkani ayaa dhinaca kale sheegay in Biyo galin oo kaliya aysan Garbaharay ka wadin balse mashaariic kale oo hormarineed ay kawadaan Degmada sida Dayactirka Jidadkii burbursanaa ee Degmada oo aan Waxdayactir ah helin labaatankii Sano ee Lasoo dhaafay, iyo Hirgalinta Olale Nadaafadeed.

Sikastaba Hay’adda SADO ayaa Garbaharay kawado Mashaariic kala gadisan, oo ay ugu muhiimsantahay Biyo Galinta iyo Olalayaasha Nadaafadeed.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA BIYA GALINTA.

nn

nn1

nn2

nn3

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.