Kismaayo:Munaasabad siweyn loo soo agaasimay ee Ururka Samadoon ka dhacadey Hotel Cascasay

Munaasabad siweyn loo soo agaasimay ayna soo qaban qaabiyeen dhalinyarada beesha sade islamarkaana ay ka soo qeyb galen siyaasiin.aqoonyahano. xildhibaano ka tirsan jubaland cuqaasha beeesha sade culumo owdiinka beesha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada beesha sade ayaa waxay ka dhacday magalada kismayo gaar ahaana Hotel Cascaseey.

Munaasabadaan ayaa waxaay isugu jirtay labo qeyboo oo kala ah sidii loogu yeeli lahaa hogaan ay ku mideysan yihiin ururka Samadoon ee dhalinyarada beesha sade ee kismayo ururkaan oo gacanta ku hayey iskuul ay si lacag la’aan ah wax ugu bartaan caruur agoon ah ee ku nool magalada kismayo iyo kuwa kale oo aysan awood dhaqaale haysan waalidkooda. waxaa sidoo kale looga hadlayey sare u qaadista wax barashada iyo iyo sidii ay umideysnaan lahaayeen dhalinyarada beesha sade islmarkaana nabada uga shaqeyn lahaayeen.

Masuu’liyiin kala duwan ayaa qudbado ka jeediyey xalfada waxana dhamaantooda ay soo dhaweeyeen sidoo kale ay u riyaaqeen dhalinyarada u istaagtay hormarka iyo in ay garab istaagaan walaalahooda baahan si ay wax u noqdaan kuwa kala ay u saacidaan.

Ugu danbeyntii xalfada ayaa waxaalagu doortey Maslax Mowliid Maxamed gudoomiyaha Ururka dhalinyarada beesha sade ee Samadoon. iyadoona halkaa qudbad dheer uuka jeediyey taas oo ku aadan wax yaabaha ugu horeeya ee uu ku dhaqaaqi doono sidoo kalana u mahadceliyey dhamaan masuu’iliyiintii kasoo qeyb gashay xalfada iyo dhalinyaradii ka qeyb qaadatay horumarka aan maanta u noqonayo hormuudka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.