XOG: Telefishinka Jubbaland oo diiday in laga baahiyo war LA xiriira Ugaas Maxamed Xaashi. “Akhriso”

Maamulka Jubbaland ayaa TVga Jubbaland waxaay ka hor istaagaeen in ay siidaayaan war ku saabsanaa Ugaaska Beesha Sade oo Baardheere gaaray. Warka Ugaas ayaa loo diray Telefishino uu kamid yahay Midka Maamulka Jubba waxaana wariyayaal ka hawl-gala telefishinkaas ay Gedo Times u xaqiijiyeen in warkii LA xiriiray Safarka uu Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi ku tagay Baardheere aan la tabin karin.
Axmed Madoobe iyo maamulkiisa ayaa Ugaaska kaga hor imaadsan arimo LA xiriira xiriirka dhaw ee ay Ugaaska iyo siyaasiyiin ay kamid yihiin Cabdiwali Sheekh Axmed iyo Korneyl Barre Hiiraale heshiiskaas oo LA xiriira in Kenya iyo Beesha Sade ay iska kaashadaan Arimaha Amaanka siyaasadda iyo dhaqaalaha taasi oo dhabarjab ku ah Maamulkaasi.

Nasiib wanaaga ayaa ah in Maanta ay jiraan inkabadan 10 telefishin oo ay Soomaali leedahay ay shaqeynayaan Telefishinka Maamulkaasine uuba yahay kii ugu cimriga Dambeeyey ee hawada lasoo gasho. Warka Ugaaska ayaa kabaxay TV-yada kala ah Universal, Horncable, Somali Cable, Somali Channel, SNTV iyo qaar kaloo badan. Arintani ayaa kamid ah Fadeexooyinka Siyaasadeed ee uu durba wajahayo Maamulka Jubbaland, Maalmaha soosocda ayaa Ugaaska iyo wafdigiisa ay imaan doonaan Xarunta Gobolka Gedo ee Garbaharay halkaas oo uu shirweyne ku furi doono ha.

Waxaa hada kusugan Gobolka gedo wafti uu Hogaaminaayo Madaxwayane Kuxigeenka Juubaland Maxamuud Sayid Aadan Arintaan la xariirta waraka Ugaas Maxamed Xaashi ee loo diiday in talefishinka Jubbaland laga daayo Kamaynsan hadlin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.