Hay,adda Shankaroon Foundation oo dhagax dhigtey Balaarinta Qeybo ka mid ah Isbitaalka Baardheere(Sawwiro iyo dhageyso)

Hay,adda Samafalka ee Shankaroon Foundation  oo fadhigeedu yahay Dalka UK ayaa bilowdey inay  dhagax dhig ku sameyso balaarinta  Qeybo ka mid ah Isbitaalka Baardheere oo dayacnaa muddo ka badan ilaa 25 sanno. Iyadoo dhagax dhigana uu yahay Qeybtii labaad ee isbitaalka.

Qaar ka mid ah Odoyaasha iyo waxgaradka degmada Baardheere ayaa soo dhaweeyey Talaabada balaarinta ah  ee ay Hay,adda Shankaroon Foundation ay ka bilowdey isbitaalka Baardheere,waxayna ka codsadeen Hay,adda Shankaroon inay dhisto ,islamarkaana ay qalabayso qeybaha ka dhiman isbitaalka Baardheere oo bilahii ugu dambeeyey ay ka socotey dib u dhis iyo balaarin.

Odoyaashii iyo waxagaradkii ka Hadley kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa Nabadoon Faarax Hire Guhaad,Nabadoon Cali Yuusuf (Cali Ganey),Nabadoon Maxamed Cabdiraxmaan Matow,Nabadoon Ismaaciil Cumar Macalin(Afweyne) iyo waxgarad kale oo ka soo qeyb galey dhagax dhigii isbitaalka Baardheere ee shaley ka dhacdey Isbitaalka.

Hay,adda Shankaroon ayaa labadii sanno ee ugu dambeeyey waxay ku howlanayd sidii Isbitaalka Baardheere dib u dhis,Balaarin iyo Qalabayn loogu sameyn lahaa,waxaana ay muujisey dadaal gudaha iyo dibada,iyadoo la kaashatey Jaaliyada dibada ee u dhashey degmada Baardheere.

Daawo Sawiro.

DSC00173 DSC00174 DSC00175 DSC00176 DSC00177 DSC00179 DSC00181 DSC00184

Halkaan Ka Dhageyso

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.