XOG: Maxaa kasoo baxay Kulankii Xalay Nairobi ku dhexmaray Ugaaska Beesha Sade iyo Madaxweynaha Kenya.

Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya waxaa Xalay kulan Socday inkabadan lix saacadood uu ku dhexmaray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi.

Kulanka oo socday inkabadan lix saacadood ayaa Ugaaska iyo Madaxweynaha waxay kaga wada hadleen arimo LA xiriira qadiyadda Jubbaland, arimaha Amaanka, Siyaasadda iyo garab istaaga dhaqanka soojireenka ah ee Beelweynta Sade.

Ugaaska ayaa waxaa uu Madaxweynaha u gudbiyay dhamaan wixii tabashooyin ah oo ay Beeshiisa ka tabaneyso Dowladda Kenya, Sida siyaasadda Jubbaland oo dowladda Kenya ay beesha Sade kaga hiilisay Beesha Absame, iyo duqeymo aan loo meeldayin oo Kenya ay Gedo kawaday Sanadihii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa saxiixay hindisayaal uu ugaaska watay oo ka koobnaa dhowr iyo toban qodob.

Kulanka Ugaaska oo ahaa Mid ay isaga iyo Madaxweynaha oo kaliya wadaqaateen, ayaa waxaa gabagabadisii la isla gartay in muddo cayiman gudaheed lagu dhaqangaliyo dhamaan qodobadii laga wada hadlay, iyadoo ugaaska uu Madaxweynaha u sheegay in hadii kenya ay Beeshiisa ka hesho taageerada ay kaga baahantahay ay iyagune damaanad qaadayaan kahortagga guud ahaan dhibaatooyinka Kenya kaga imaan karo Deegaanada Jubbaland.

Sida ay Gedo Times u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka agdhaw Masuuliyiintani kulantay, kulanka ayaa kusoo idlaaday jawi Isfahan oo aad u dagan.

Hadal haynta ugu badan ee Nairobi ayaa ah kulankani taariikhiga ah ee dhexmaray Ugaaska Beesha Sade iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyadoo wargeysyada iyo TVyada dalkaasi ay saaka dhamaan warar xiiso leh kaqorayeen Kulankani Xalay Nairobi ka dhacay.

Muuqaalada Kulankani kalasoco Gedo Times goordhaw insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.