Daawo Sawirada : Xarunta Maamulka Gobolka ee Degmada Garbaharay oo Xariga laga jaray.

Munaasabad Xariga lagaga jarayay Xafiisyada Maamulka Xarunta Gobolka ee Degmada Garbaharay isla xafiisyada xarig jarka lagu sameeyey oo ah kuwii uu ku shaqeyn jiray Maamulka Gobolka.

Hay’adda TIS Foundation ayaa dib u dayactirkani ku sameysay Xarumihii Maamulka Gobolka ee Degmada. iyadoo bilihii lasoo dhaafay ay waday dib u dayactirkani.

Munaasabadda Xarig jarka waxaa kasoo qeybgalay masuulyiiin kala duwan sida Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Gedo Mudane Bakaal Kooke, Madaxa Mashaariicda iyo Hay’adaha ee Maamulka Gobolka Mudane Xasan Garbaharay, Gudoomiyaha Degmadaasi mudane Nuur Sheekh maxamed Buraale Nuur Caato, Waxgaradka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Degmadaasi.

Ururada Hooyooyinka iyo kuwa dhalinyarada ayaa door muhiim ah dhiancooda ka qaatay Qabashada Munaasabadani kuwaas oo si quruxbadan wax uga agaasimay Qabsoomidda Xafladani xariga lagaga jarayay Xarunta Maamulka Gobolka ee Degmada Garbaharay.

 

 

Sikastaba Munaasabadani ayaa kusoo idlaatay Jawi aad u qurxoon.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA MUNAASABADDA XARIG JARKA.

b

b1

b2

b3

b4

b5

b6

b7

b8

b9

b10

b11

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.