HALAAGA FADARAALKA IYO AQLI FOORARA. By C/laahi Jimcaale

jim

Dhawaan aaan saas u fogayn bay ahayd markii dagaal aan loo baahnay uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo,dhiig badan baa ku daatay hantina waa ku burburtay.bal aan dib u milicsanee maxay ahayd sababtu?Wado laga bixinaayey qayb ka mid ah magaalada oo cidwalba u bahaan tahay ee ku nool magaalada Gaalkacyo,ileyn wado dadka oo dhan baa adeegsada lamana kala laha,bal eega kii magaalada ku noolaa oo wadada manaafacadsan lahaa baa ku dhintay iska horimaadkii hubeysnaa ee siyaasadaha guracani kala hogaaminayeen.
R/Wasaaraha dalka ,saddex madaxweyne goboleed iyo wax garad badan baa waqti ku dhumiyey in ay nabadeyaan Gaalkacyo,daal iyo is mariwaa ka bacdi waxaa la sameeyey heshiis camaduleys ah oo ila muuqday fooda ha la kala qaado isku daalnaye.Bal fiiriya hal magaalo oo wado lix mitir ah dhexmarto oo laba madaxweyne midba daan xukumo oo lixda mitir ee wadadaa midba saddex mitir leeyahay saw magaaladu uma muuqato doonidii labada naaquuda lahayd?Jawaabta iyo xaalka doonta labada naaquudo leh ee waliba qabyaaladeysan waxaan u dhaafayaa reer Gaalkacyo iyo Soomaali .
Arinkaan marna ma deginn xasaradu way iska socotay isku dhacyo iyo gacan ka hadal iyo dilal qorshaysan baan marna joogsan qolaba qolada kale bay eedeysaa18/06/16 IYO 19/0616 hadalada hawad lasu marinayaa ee Galmudug Puntilaand ifafaale fiican maaha,Allow sahal amuura.Dalku wuxuu leeyahay cadawyo badan xayndaabyadiisa difaacuna aad iyo aad bay u nugulyihiin degaansha cadawgu marna kuuma ogola,xasiloonida saldhigan weydey waa mirihii federaalka qabyaaladeysan iyo kala qaybinta Gaalkacyo oo markii horaba ahayd xeelad naloo maleegay in nala ka ilaaliyo horumar iyo deganaansh ayada oo naloo adeegsaday qabyaalada na madaxmartay.Bal eega Soomaalilaand,Puntilaand,Galmudug,K/Galbeed iyo Hiiraan/SH/dhexe oo lays qabadsiin la,yahay meel aan laysku haysan oo aan dhiig ku daadanayn ama qarka u saarnayn in laysku halaagsamo ma jirto,Aqligaas foorara oo madaxda na horboodaysaa noogu sheegaan horumar iyo horusocod maxay idinla tahay Soomaliweynee?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.