Walaalo is jecel oo aan isku wajahad u Socon Cabdulaahi Caydaruus

Somaliya waa dal kujiray digaala sokeeye tan iyo 1991 xiligaa oo ay burburtay dawladii dhexe ee soomaliya wixii xiligaas ka dan beeyay saameynta ay dalka iyo dadka soomaaliyeed ku yeelanaysay colaada sokeeye ayaa korortay waxayna taasi sababtay in dad badan oo soomali ah ay dalka iskaga haajiraan oo ay miciil bidaan kunoolaashada dadkale oo ay san u dhalan kaasoo aysan aqoon fiican u lahayn dhaqankiisa iyo luuqadiisa midnah.

marka laga sootago wax yeelada muuqata ee laga dhaxlay colaadii sokeeya sida dil,dhac iyo burbur lixaad leh oo kuyimid magaalooyinka waa wany nee dalka ayaa hadana waxaa jira waxyeelooyin dadban oo ay xoojisay colaada sokeeye islamarkaasna ay kamidyiihii musuqmaasuq,eex iyo qabyaalad waxaana Qabyaalada noqotay shayga ugu way ee ka guuxaya quluubta jiilal badan soomaali oo ku dhex koray colaadii sokeeye islamarkaasna aan arag dawladnimadii soomaaliyeed ama aan ku barbaarin jiritaankaan ka dawladii dhexe ee somaaliya
inkastoo ay jiraan dhamaan wax yeelooyinkaas hadana soomaalidu waa bulsho is jecel oo isku diin ah iskuna naxariista waxay umuuqataa in ay fahmeen dhaman dadka soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan dhibaatada ay lee dahay colaada sokeeye waxaan qof walba oo soomaaliya qatigan kafakarayaa xiliga ay soomaaliya ay noqon doonto dawlad cageheeda ku taagan oo soo coshata maqaam kii ay ku dhex lahayd dawladaha caalamka kana kaaftoonta taageero shasheeye

marka aad la sheekay satid dadka soomaaliyeed oo aad kala hadashid arimo ku saabsan dalka waxaa qofkasta soomaali ah yar iyo waynba uu kuu muujinayaan wadani nimada kujirta iyo hamuunta u qabo dawlad nimada xataa kuwo aan waligood arag meel ay dawlad nimo kashaqayso hase ahaatee taariikhda kabartay samaanta qaranimada ayaa kaaga sheekaynaya wanaaga dawladnimada
dhaqan ahaan soomaaliya way kaduwantahay dadlal badan oo African ah oo ay ka dhacday colaad sokeeye sida,suudan iyo ruwaanda walow ay kasoo kabsadee dalalkaasi colaadii sokeeye ee ka dhacday
ugudan bayn waxaan ku tilmaami karnaa in ay yihiin dadka soomaliyeed waalaalo isjecel oo aan isku wajahad u socon.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.