Isbitaalkii Baardheere oo dib u dhis iyo Balaarin lagu sameynayo(Daawo Sawwiro)

Tan iyo horaantii bishii shanaad ee sanadkan waxaa Isbitaalka Magaalada Baardheere ka socnayey howl balaaran oo dib u dhis iyo balaarin loogu sameynayo  dhamaan qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka oo dayacnaa mudo ka badan ilaa 20 sanno,islamarkaana aanan helin wax dayactir ah ilaa ay ka bur burtey Dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Kharashka ku bixi  doona Dhismaha Isbitaalkan oo la doonayo in si casri ah loo dhiso,islamarkaana loo dhamaystiri doono  dhamaan waxii Qalab ahaa ee lagu shaqeyn lahaa ayaa ah Deeq lacageed oo ka timid Ururka Iskaashiga Islaamka,waxaana howsha dhismaha fulinaya Company lagu magacaabo Jubba management and business Consultant oo fadhigiisu uu yahay Gobolka Gedo.

Cabdulaahi Xasan Maxamed oo ka mid ah H/wadeenada Company lagu magacaabo Jubba management and business Consultant ayaa warbaahinta u sheegay Isbitaalkan oo ahmiyad gaar ah u leh Bulshada Baardheere in muddo 5 bilood gudahooda ah ay ku dhameyn doonaan dhismahiisa.isagoo sheegayna maalin iyo habeenba in dhismahiisu ay si xowli ah u socoto.

Isbitaalka oo dhismahiisa laga soo bilaabay aas aas ayuu sheegay in uu ka koobnaan doono,qeybta Caruurta,Qeybta dumarka,Qeybta raga,qeybta sheybarada,Qeybta OTPga,Qeybta Sheybaarada iyo Maqaasiinka,Qeybta qaliinada,Qeybta Cafeteriada,Musqulo iyo qeybo kale oo bulshada muhiim u ah.

Isbitaalkan Baardheere oo la dhisey Xilligii gumaystahii Talyaaniga ee 1948 dii  ilaa xilligii Dowladdii dhexe ee soomaaliya ayaa waxaa adeegyo Caafimaad u soo doonan jirey maalinkastaaba Boqolaal ruux,balse  Isbitaalka ayaa sanadahii u dambeeyey waxaa uu Qarka u saarnaa inuu u bur buro dayacnaan xoogan

Dib u dhiskan iyo balaarintan hadda ka socota Isbitaalka Baardheere ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyey dadweynaha ,waxayna dhinaca kalena  wax ka tari doontaa in Dadweynaha Baardheere  mar kale ay helaan Xarun ay u doontaan adeegyada  Caafimaad ee ay u baahan yahiin.

DSCN0295 DSCN0296 DSCN0297 DSCN0298 DSCN0299 DSCN0300 DSCN0302 DSCN0303 DSCN0304 DSCN0305 DSCN0306 DSCN0307 DSCN0310 DSCN0311 DSCN0312 DSCN0313 DSCN0314 DSCN0315 DSCN0316 DSCN0317 DSCN0318 DSCN0319 DSCN0320 DSCN0321 DSCN0322 DSCN0323 DSCN0324 DSCN0325 DSCN0326 DSCN0327 DSCN0328 DSCN0329 DSCN0330 DSCN0331 DSCN0332 FSCN0309

Axmed Cumar Saalixi
Baardheere/Gedo
Saalixi225@hotmail.com

1 Comment

  1. Asc dhaman reer barka alle ayaa mahadleh waa arin lagu farxo hadiiba alle uu saqiray dhismaha isbitaalka hadii aan nahay reer barka si wanagsan ayan usodhawenaynaa mashariicda dib logu dhisayo General Hospital Bardheere alle ayaa mahadleh Gedotimes Thanks

Leave a Reply to Zaki Yare Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.