Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii Muqdisho iyo xaaladda oo deggan

Wararkii ugu dambeeyay ee hotelka la weeraray ayaa sheegaya in xalay iyo illaa saaka laga maqlayay rasaas ka dhex dhacaysa hotelka Ambassador, waxaana xiran wadada oo uusan jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi iyo dadweyne.

Weerarkani ayaa ku billowday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa waxaana dab qabsaday baabuur kale oo hotelka hortiisa taallay.

Dad u badan shacab ayaa ku dhintay halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasoo la dhigay Isbitaallo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Hal isbitaal kaliya ayaa la dhigay in ka badan 50 ruux kuwaasoo dhaawacyo kala duwan uu ka soo gaaray weerarkaasi. Waxaana jira tiro kale oo ku dhimatay.

Kooxdii hubeysnayd ayaa weli gudaha ku jirta waxaana gebi ahaanba xiran waddadada Trepiano oo uu hotelka ku yaallo.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia oo labo gaaraya ayaa ku geeriyooday weerarka hotelka Ambassador halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen waxaana xildhibaannada dhintay ay magacyadooda kala yihiin Cabdullaahi Jaamac Kaboweyne iyo Maxamuud Guurre.

Inta badan waxaa burburay hotelka uu weerarka ka dhacay iyo dhismeyaasha kale ee ka ag dhow iyo baabuur halkaa maraysay iyo qaar yaallay oo la kulmay weerarkani. Abaare seqdii dhexe ee xalay ayaa la maqlayay hugunka madaafiic hotelka ka dhex dhacaysay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.