Wasiirka warfaafinta: Dowladda waa ay ka hortagtay weerarka argagixisada

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa cambaareysay weerarkii xalay lagu qaaday hotelka Ambasador ee magaalada Muqdisho kaasoo socday saacado dhowr ah.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda F. Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye),  oo si toos ah uga hadlayey Telefishinka afka dowladda ku hadla xiligaasoo uu socoanyay weerarka, ayaa sheegay in ay Xukuumaddu cambaareyneyso weerarkaasi oo uu ku sifeeyay mid argagixiso, isla markaana ay aad uga xun yihiin ficilladaasi.

“waxaan u hambalyeynayaan ciidammada amniga ee diyaarka ku ahaa agagaarka weerarku uu ka dhacay, una gurmaday hotelka weerarka lagu qaaday, ciidanka ayaa weli wada dedaal xooggan, si ay u badbaadiyaan dadka Soomaaliyeed ee weerarka uu qabsaday” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta.

Wasiir Maareeye ayaa soo hadal qaaday weerar lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Alsahbaab kaasoo uu sheegay in lagu dilay duqeyn ay fuliyeen ciidanka dowladda iyo kuwa Maraykanka. Duqeyntaas ayaa ka dhacday deegaan la yiraahdo Buulogaduud oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.