Warbixin: Barakac ka socda magaalada Fallujah

Qoysaska ayaa ka qaxaya magaalada Fallujah ee dalka Ciraq, ayada oo dagaalyahanada kooxda Daacish ay ku qasbayaan inay guryahooda ka baxaan.

“Waxaan isku daynay inaan ku laabanno gurigeena, balse markii aan aragnay qoysas badan oo qaxaya waan ku biirnay” Waxaa sidaas tiri haweeney magaceeda ku sheegtay Suad.

“Waxaan siday gabadhayda Hana oo laba jir ah” ayay Suad u sheegtay hay’adda Norwegian Refugee Council.

Sida ay sheegtay hay’adda NRC oo gargaar u fidineysa qaxootiga, Suad iyo seygeeda Ali iyo lixdooda caruur ayaa soo gaaray xerada qaxootiga Al Iraq oo 30 KM u jirta magaalada Fallujah.

Ciidamada Ciraq oo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka isbaheysiga iyo maleeshiyo Shiico ah ayaa weerar ku haya magaalada, waxayna gudaha u galeen maanta, ayaga oo isku dayaya inay qabsadaan.

Kooxda Daacish ayaa maamuleysay magaalada labadii sano ee tagtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.