Xildhibaan Xoosh Jibriil “Guddoomiye Jowaari Madaxtoyada ayuu lasaftay ”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka uu ku fashilmay shaqadiisa isla markaana uu la saftay madaxtooyada iyo beesha caalamka sidda uu hadalka u dhigay.

Isagoo la hadlayay Idaacad maxalli ah oo ku taalla Muqdisho ayuu sheegay in xildhibannada baarlamaanka shaqadoodii ay istaagtay isla markaana muddo 10 maalin aysan wax shir ah yeelan.

Wuxuu sheegay in baarlamaanka uu afduubtay madaxweyne Xasan Sheekh isla markaana guddoomiyaha baarlamaanka uu noqdo mid la safan waxa uu ku sheegay ciyaarta madaxtooyada iyo beesha caalamka ay wadaan.

Hadalka xildhibaan Xoosh Jibriil ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu go’aan ka qaatay hannaanka doorashadda dalka oo heshiiskii lagu gaaray uu horyaalay baarlamaanka.

Si kastaba, Waxaa jira dhaliilo loo soo jeediyay xildhibaannada baarlamaanka oo muddadii afarta sanno ay jireen la sheegay in aysan wax siddaas u buuran aanu u qabsoomin marka laga reebo in ay noqdeen kuwa mooshino keeno iyo in ay garab la saftaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.