Daawo Sawirro: Dadkii ka dambeeyay qaraxii Daallo oo la xukumay

Maxkamada darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday dadkii loo heystay in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday diyaaradda Daallo Airline labadii bishii Fibraayo ee sanadkan.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ayaa sheegay in C/wali Maxamuud Macow iyo Careys Xaashi Cabdi oo maqane ah ay ku riday xukun cimrigaa haku furto ah ama xabsi daa’im.

C/wali Maxamuud Macow oo ahaa madaxii amniga ee hey’adda duulista iyo saadasha hawada ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, uu mas’uulka ahaa diyaarintii laptopkii lagu qarxiyay diyaarada Daallo Airline sida lagu sheegay go’aanka maxkamadda ay maanta gaartay.

Si taa lamid ah, Careys Xaashi Cabdi oo maxkamadda ka maqanaa ayaa maxkamadu ku heshay in uu katirsanaa Al-shabaab isla markaana ahaa gacantii koowaad ee abaabushay weerarkii diyaaradda Daallo, uuna maalgeliyay dhagartaas ama shirqoolkaas.

Sidoo kale, Abshir Maxamed Macalin Axmed, Safiyo C/laahi Xasan Cali waxaa ay ku xukuntay afar sano oo xabsi ciidan ah, halka Liibaan Maxamed Yalaxow, Cumar Muxudiin Xuseen (Qoorey) iyo Maxamed Cabdi Cilmi ay ku riday xukun ah min hal sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale waxaa ay xukun min lix bilood oo xabsi ciidan ah ku riday dadka kala ah; Bashiir C/laahi Afrax, Cali Nuur Salaad Diiriye iyo Aadan Daahir Diiriye.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida, sidoo kale waxaa ay fasaxday shan oo lagu wayay wax dambi ah, wxayna kala yihiin; Cumar Macalin Calasow, Cali Maxamuud C/raxmaan, C/laahi C/qaadir Abuukar, Ismaaciil Maxamed Xirse iyo Faarax Khaliif Cali Maxamed.

Sequence-02.Still008 Sequence-02.Still009 Sequence-02.Still011 Sequence-02.Still013 Sequence-02.Still016 Sequence-02.Still019 Sequence-02.Still030 Sequence-02.Still001 Sequence-02.Still003 Sequence-02.Still004

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.