TOP News: Imtixaanka sanadlaha ah ee Dowladda oo Maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Garbaharay

arday

Xilli Imtixaanka Sanadlaha ah ee ay qaado Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare uu shalay si rasmi ah uga bilowday Gobolada Dalka ayaa Degmada Garbaharay waxaa ka bilowday qaadista Imtixaankaasi.

Ilaa Boqol arday oo kakala socotay Iskuulada amiirnuur iyo Al-anwar Yaa si rasmi ah ugu fariistay qaadista Imtixaanka.

Gudoomiyaha Degmada Garbaharay Nuur Sheekh Maxamed Buraale ayaa si rasmi ah u daahfuray Qaadista Imtixaanka sida uu u xaqiijiyay Gedo Times Gudoomiyaha.

” Walalow Imtixaanka si rasmi ah ayuu u furmay Qaadistiisa waxaana nala jooga Saraakiil ka socota Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare Ciidamada amaanka ee madaniga ah ayaanaayaana amaanka sugaya” ayuu yiri Gudoomiye Nuur Caato oo u waramayay warqabadka Gedo Times ee Gobolka.

Wuxuu sheegay in nasiib darro ay tahay in sababo amaan imtixaanka looga qaadi waayay Iskuulo diwaan gashan oo ku kala yaala Tuulo Barwaaqo iyo Ceel Cadde taas oo uu ku sababeeyey in Deegaanadaas ay shabaab Maamulaan.

“Iskuulo ku kala yaala Ceelcadde iyo Tuulo Barwaaqo ayaa u diwaan gashanaa galitaanka Imtixaanka Balse Shabaab ayaa deegaanadaas Maamula mana suuragalin in aan qaadista Imtixaanka ka qeybgalinno” Ayuu markale Yiri Gudoomiyaha Degmada Garbaharay.

Si kastaba waa sanadkii labaad oo ay ree Garbaharay ka qeybgalaan Imtixaanka Sanadlaha ah ee ay qaadeyso wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.