Faransiiska iyo Jarmalka oo si wadajir ah u xusaya dagaalkii koowaad ee adduunka

Hoggaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa maanta kala qeybgaleysa madaxweyne Francois Hollande, xuska boqol guurada Verdun oo ka mid ah goobihii lagu dagaallamay tii ugu dheereyd dagaalkii koowaad adduunka.

Xuska ayaa lagu bilaabay labada hoggaamiye oo ubax dhigay qubuuraha dagaalka Jarmalka Consenvoye ee waqooyi bari Faransiiska.

Ku dhowaad seddax boqol oo kun oo ciidamo Faransiis iyo Jarmal ah, ayaa lagu dilay dagaalkaas oo ka dhacay waqooyi bari Faransiiska, wuxuuna socday in ka badan sagaal bilood sanadkii 1916kii.

Xuska, ayaa diiradda lagu saari doonaa waxbaridda dhallinyarada oo ay ku jiraan kumanyaal carruurta Faransiiska iyo Jarmalka.

Verdun, ayaa maanta astaan u ah soo noqoshada xiriirka saaxiibtinimo ee Faransiiska iyo Jarmalka, waxaana Hollande iyo Merkel la filayaa inay cusbooneysiiyaan baaqooda midnimada Yurub.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.