Daawo Sawirrada: Markab sahay gar gaar sida oo Wasaaradda arrimaha gudaha la wareegtay “SAWIRRO”

Markabkan oo siday 11-kun oo tan oo cunto ah ayaa ka yimid dowlada iyo shacabka Turkiga, waxaana loogu talo galay dadka Soomaaliyeed ee qaarkood ay baaruhu saameeyeen.

Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa gargaarkan kala wareegtay mas’uuliyiin ka socday dowladda Turkiga iyo hey’ada bisha case e dalka turkiga oo uu horkacayey safiirka dowlada Turkiga ee Soomaaliya.

Danjire Olgan Baker safiirka dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo gudaha dekeda Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in gargaarkan ay ugu talo galeen shacabka Soomaaliyeed, lana gaarsiinayo dadka mudan.

“Waxaan rabnaa inaad nala aragtaan gargaarkan oo ka kooban 11-kun oo tan oo cunto, waxa uu gargaarkan ka ymid shacabka dalka Turkiga, waxey muujineysaa saaxiibtnimada shacabka Turkiga iyo Soomaaliya”ayuu yiri Mr Olgan Baker.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya mudane C/rashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in dowladu si siman gargaarkan ay ugu qeybin doonto dadka Soomaaliyeed, isagoo u mahad celiyey dowlada iyo shacabka dalka Turkiga.

“Waan ku faraxsanahay in dowladda Turkiga shacabka Soomaaliyeed ay soo gaarsiiso gargaarkan, dowlada Soomaaliya maalmaha dhow ayey si siman ugu qeybin doontaa shacabka Soomaaliyeed ee gargaarka u baahan”ayuu yiri Wasiiru dowlaha.

DSC04054 DSC04055 DSC04056 DSC04058 DSC04068 DSC04070 DSC04072 DSC04092 DSC04096 DSC04113 DSC04116 DSC04132 DSC04143 DSC04162 DSC04030 DSC04041 DSC04043 DSC04050 DSC04052 DSC04053

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.