Warbixin+Sawirro: Madaxweynaha dawladda Puntland oo si diirran loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ee maanta gelinkii hore kasoo amba baxay magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland ayaa soo gaarey magaaalda Muqdisho ee Xarunta dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhoweeyey xubno ka tirsan labada gole ee xukuumadda dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jaangeli.

Soo dhoweyn kadib madxweynaha iyo waftigiisa waxaa loo soo gudbiyey qaybta nasashada ee Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle halkaas oo Madaxweynuhu uu kula hadlay warbaahinta qaybeheeda kala duwan.

Ugu horrayn Madaxweynaha ayaa uga Mahadceliyey masuuliyiintii kusoo dhoweysey garoonka isla markaana waxaa uu ka warbixiyey ujeedada socdaalkiisa xilligan isagoona sheegay in uu magaalada muqdisho kaga qayb geli doono shirka Madashada wadatashiga  Qaran oo lagu dhammaystiri doono dedaaladii dheeraa ee loogu jirey xal u helida hannaanka doorashooyinka 2016-ka.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu xusay in hannaanka doorashooyinka 2016-ka uu marayo meel wanaagsan oo laga sii amba qaadi karo,  isla markaana qorshaha ugu weyn ee shirkaani uu yahay fulinta dhammaan heshiisyadii hore loo gaarey ee dhabbaha loogu xaarayey dawlad cusub oo dalka ka dhalata 2016-ka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa loosii gudbiyey xarunta Villa Hargaysa ee Madaxtooyada Soomaaliya halkaas oo uu Madaxweynuhu ka degi doono magaalada Muqdisho.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

IMG_9931 IMG_9935 IMG_9940 IMG_9943 IMG_9944 IMG_9945 IMG_9949 IMG_9952 IMG_9953 IMG_9956 IMG_9957 IMG_9959 IMG_9961

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.