XOG: Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminaayo Ugaaska Beesha Sade oo Sabtida Baardheere ku wajahan.

Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa Maalinimada Sabtida ah ku wajahan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Wafdiga Ugaaska waxaa kamid ah Xildhibaan Maxamuud Cali Magan Siyaasiyiin iyo Waxgarad kale.

Ujeedka socdaalka wafdiga Ugaaska ayaa ah Booqasho rasmi ah oo uu Baardheere ku tagi Doono taas oo ah Turxaan Bixin dhinaca dhaqanka beesha Sade ah iyo dhisitaanka Gole Guurti oo Ugaaska LA shaqeeya.

Ma cadda mudada ay sii joogi doonaan halkaas, iyadoo baardheere hadda laga dareemaayo Qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi xilli LA diyaariyay Goobihii ay dagi lahaayeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.