XOG: Qarixii ka dhacay Buurdhuubo Kadib dad Caan ka ah Degmadaasi oo Xabsiga loo taxaabay. “Akhriso Magacyada”

Kadib qarax khasaare geystay oo ka dhacay degmada buurdhuubo ee Gobolka Gedo lalana eegtay Saraakiil ka tirsan Maamulka Degmada Buurdhuubo ayaa degmadaasi waxaa ka dhacay RAAF ay sameeyeen Ciidamada Maamulka.

Raafka ayaa xabsiga lagu dhigay Tiro kamid ah dadka Deegaanka oo isugu jira Ganscsato, waxgarad iyo wadaado si weyn looga yaqaano Gudaha Degmadaasi.

Shakhsiyaadka muctarifka ah ee ilaa iyo hadda ay Gedo Times Magacyadooda Heshay waxaa kamid ah.
1, Sheekh Maxamuud Saleebaan Maamulaha Hormuud ee Degmadaasi
2,Faarax Cabdulaahi Akhid Maamule Kuxigeen
3, Maxamed Deeq Cismaan Bucul Ganacsade.
3, cabdiraxmaan Cabdulaahi Dhicis”Colaad” Ganacsade.
4, Sheekh Muxumed Cabdi Garas
5, Guure kataan Ganacsade
6, Ganeey Maxamuud Xareed iyo qaar kale oo aanan wali Magacyadooda Helin.

Dhamaan Xubnahani ayaa ku hoyanaya Xabsiga Degmada Buurdhuubo tiiyoo ay dheertahay in dhamaantood aysan jirin Cid Cadaalad Horgeysay.

Arimahan ayaa imaanaya xilli Maanta Qarax Miino Maqaaxi kutaala Buurdhuubo lagula eegtay xubno uu kamid yahay Gudoomiyaha Degmada Buurdhuubo Cabdulaahi yare iyo Saraakiil kale oo Maamulkiisa kamid ah kuwaas oo dhamaantood ay dhaawacyo kasoo gaareen Qaraxaasi.

Isku dayo ay Gedo Times sameysayne wali uma suuragalin helitaanka masuuliyiinta naamulka Degmada bal si aan wax uga weydiino xariga shakhsiyadka aan magacyadooda soo sheegnay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.