Dhageyso: Qaraxyo uu ku dhaawacmay guddoomiyihii Buurdhuubo oo ka dhacay degmadaasi

Gudoomiyihii Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo iyo Masuuliyiin kale ayaa ku dhaawacmay qarax maanta ka dhacay Magaaladda Buurdhuubo.

Wararka ka imaanaya buurdhuubo ayaa sheegaya in xilli masuuliyiintaasi ay ku shaahaynayeen maqaayad ku talla Magaaladda , laba qarax oo is xigxigay laguna sheegay inay ahayeen kuwo la sii diyaareyay lagula eegtay halkaasi .

Dhaawacyadda qaar ayay wararku sheegayaan inay yihiin kuwo fudud waxayna ciidamaddu wadaan baaritaan ku aadan sidii ay wax u dhaceen .

Madaxa Arimaha bulshadda Degmada Buurdhuubo Cali Daahir Yarow ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen.

“Afar qof ayaa ku dhaawacmay xaaladdooda waa way wanaagsan yihiin” ayuu yiri madaxa arrimaha bulshada.

Howlgal ayaa ka soconaya Buurdhuubo.

Halkan ka dhagayso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.