Dhageyso: Wafdi wasiirro ah oo gaaray magaalada Baladweyne

Wafdi wasiirro ah oo ka tirsan xukuumadda federaalka ayaa galabta gabal dhicii gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Wasiirradani waxaa kamid ah wasiirrada kala ah dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo kan Patrolka iyo macdanta ee xukuumadda Soomaaliya, waxaana safarkooda ku wehlinaya masuuliyiin kale oo ka kala tirsan dowladda iyo AMISOM.

Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya dalka ayaa qeyb ka ah wafdigani gaaray magaalada Baladweyne oo diyaarad qaas ah ay ka dejisay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne.

Xukuumadda federaalka ayaa dhowaan sheegtay inay Baladweyne u dirayso wafdi soo indha-indheeya xaaladda ay ku nool yihiin qoysaska barakacayaasha ah ee ay saameeyeen fatahaadda wabiga iyo colaadda magaaladaasi.

Halkan ka dhagayso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.