Dowladda Federaalka oo sheegtay inay guddi u xil saartay jirdil ay sameynayaan saraakiil ka tirsan NISA

Dowladda  federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in guddi madaxbannaan loo xil saaray muuqaal uu ka soo muuqanayo nin jirdil loo geysanayo oo la sheegay in Muqdisho uu ku xiran yahay.

Afhayeenka wasaaradda amniga Cabdikaamil Macallin Yuusuf ayaa sheegay in guddigani ay soo sheegi doonaan waxa uu yahay muuqaalkani iyo sax ahaanshiyihiisa.

Wuxuu sheegay  tallaabooyin arrintaa ku aadan ay dowladdu qaaday oo isbedal lagu sameeyay saraakiisha dambi baarista ee NISA.

Afhayeenka oo sheegay in muuqaalkani saraakiil ka tirsan taliska nabad sugidda ay ka soo muuqdeen kuwaasoo isbedal ay ku sameysay NISA isla markaana baaris ay ku socoto.

Guddigani ayaa ka kooban wasaaradda cadaaladda xukuumadda Soomaaliya, tan amniga iyo xubno kale oo ka socda hay’ado u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.